Monday, October 23rd, 2017
header

Dhageyso:- DAQARADA KA MUUQDA GURYAHA, WAXAA NOOGA DARAN KUWA KU YAALA DADKEENA”.!!!

December,.2016. Dalka Soomaaliya waxa uu ahaa Sanadihii dowladnimada dal Awood ahaan, dhisma ahaan iyo Bulsha ahaanba  u soo korayay,marka loo fiiriyo dalalka asaageen ah, dadkuna waxa ay ahaayeen dad dhawaan gumeysi  ka xoroobay oo si weyn u xasuusta Halgankii loo soo maray Xoriyadda iyo Gobanimada  iyo weliba  isku duubnidii lagu dhaliyay Midnimadii iyo wadajirkii Soomaali weyn ,xaqiiqdiina waxa ay aheyd taariikhdaasi mida suurtagalisay in shacabka Soomaaliyeed isku tashado oo uu dalkiisa ku dhisto Iskaa wax u qabso , dhamaan Iskoolada,Cisbitaalada,Wadooyinka, iyo dhismayasha Dowladda  ee maanta dalka ka jira intooda badan waxaa gacan tooda ku dhisay iyagoo weliba ku faraxsan Waalidiinteen, mana jirin wax lacag ah oo lagu siinayay shaqadaas  balse waxaa jiray waqtigaa dareen Wadaninimo iyo mid Dal jaceyl oo ku abuurnaa qof kasta oo Soomaaliya oo  xiligaa joogay.

Dowladii Kacaanka oo howshaan iskaa wax u qabsada ah   ka hirgalisay Soomaaliya  kuna dhistay dhismayaal fara badan  0o qeyb weyn ka qaadanaya ilaa maanta  bilicda  dalka iyo nolosha Dadka, waxa  ay  iyadoo fulineysa mabda’eedii koowaad ee ahaa HOWL IYO HANTI WADAAG , inkastoo aan barigaa aqoon badan loo laheyn oo  waqtiyadaan dambe gadaal laga ogaaday  in Hantiwadaagu  uu ahaa nidaam  Shuuciya oo aan wanaagsaneyn   oo ay noo soo waarideen Kaadiriyiin ka yimid Midowgaii Soofiyeeti uuna ahaa nidaam ka hanaqaaday dalal fara badan oo caalamka ah, hadana si bulshada loo jecleysiiyo waxaa  loogu abaal guday  dhididkii waalidiintaas in  Ubadkooda iyo iyaguba  ay wax ku bartaan laguna daweeyo si lacag la’aan ah Iskoolada iyo Cisbitaalada Dalka  laga hirgaliyay.

Waxaa la ahaa waagaas bulsha han iyo himilo leh oo garaafkoodu kor u socday,   bulsha isku xiran oo dhan kastoo laga eegaba  isku qadarisa, marka laga soo tago Waalid,Walaal iyo Qaraabo waxaa xurma weyn loo hayay  qof kasta oo kaa Da’ weyn, Dariska, Macalinka,Xididka, Saaxiibka iyo wixii soo raaca, Iska daa Martida iyo socotada oo qoyskii ka seexda lagu ceyn jiraye waxaa xataa si xushmad leh loola hadli jiray dadka Masaakiinta ah ee Tuugsada, oo erayada loo adeegsan jiray ay ka mid ahaayeen “”ADEEG ALLA IYO ALAHA NOO SAHLO”” ama  hadii la awoodo si Ubadka loogu tarbiyadeeyo wanaaga sadaqada inta wax loogu dhiibo la oran jiray “MAANDHOOW U GEE MISKIINKA”, mana  dhici jirin in gaadiidka dadweynaha qof weyn oo taagan  uu qof yari kursiga ku fadhiyo waana tarbiyad ay bulshadu ka sineyd,

Sidoo kale dadku waxa ay ahaayeen kuwa xumaha wadajir ula dagaalama  oo iska daa dharaarta cade hadii ay saqda dhexe  dariska qeylo ka yeerto sida TUUG TUUG ama dagaal qoyska dhexdiisa ah qof walba oo maqla halkiisa ayuu uga soo gurman jiray weyna adkeyd in tuugada habeen socodka ahí ay si fudud uga muraadsadaan xaafadaha dhexdooda, sidoo kale inkastoo aysan badneyn oo la ceebsan jiray  muranka qoys ee Habeenimo hadana hadii la  is qabto xili dambe oo lagu soo kaco hadalkooda waa lagu soo bixi jiray  loomana kala tagi jirin ilaa xal laga gaaro reerkaas,MAANTANA LA ISKUMA SOO GALO OO XAAL ALAA OG.

Dhanka kale waalidiintu Ubadkooda walwal badan kama qabin, waayoo  iska daa xumaan kalee hadii la arko Gabadhoodii  oo Wiil wadada la taagan  ama gurigiisa la joogta ama Wiilkoodii oo fal xun sameynaya inta aaney ogaanba waalidkood  waxaa markiiba canaan iyo dagaal ku qaadi jiray waalidiinta kale ee dariska ah ,hadii markale lagu arko falkii oo kalena waxaaba  loo gudbin jiray Waalidka dhalay  oo isaguna ahaa mid ay adag tahay inaad ka nabad gasho,dhaqankaas ayaana sabab u ahaa in ay caruurtu ku barbaaraan nolol dagan oo ixtiraam iyo kala dambeyn leh, sidoo kale   barigaa  hadii caruurtu is dagaasho waxaa kala canaanan jiray  hadba waalidkii ama qof kaloo weyn oo ku soo hor mara iyadoo markaana ay sugeyso canaantii waalidkiis  iyo tii macalinka Dugsiga oo barbaarinta ubadka door weyn ku lahaa marka ma sahlaneyn in dagaal lagu dagdago, MAANTANA  MACALINKA DUGSIGAA LALA DAGAALAA.”Subxaanalaah”

Dadku  Miyiga mooyee Magaalooyinka Qabiilka kuma dhaqmi jirin  ee waxa ay yaqaaneen Qaran iyo Soomaalinimo, waxa ayna lahaayeen Soomaalidu Qab ay kaaga duwanaayeen  bulshada kale oo Rabaaniya, bal u fiirso, Dadyowga  kale hadii Ruux Hooyo ah oo ilma yar sidata ay Buska ama tareenka soo raacdo Ilmaha yare  ay sidato qof kasta waa ay u dhiiban kartaa si uu u caawiyo mana diidayo ilmuhu qofka kale ee qabtay, balse Caruurta Soomaalidu way  adag tahay in  qof aan Hooyadood aheyn ama aanuu bar garaneyn  ay qabato waayoo durba waa ay jir diidayaan oo waxaa ku jira Qab Alla ku abuuray   hadii lagu qasbana waxa ay dareenkooda  ku muujiyaan oohin, tan kale iska daa qof aysan aqoone yaraanka reerku ma ogola  in dhabta Hooyadiis ilmaha kale ee la dhashay ay ku fadhiistaan oo waa uu ka dagaalamaa.

Qabka Soomalida Alle uu ku beeray ma aheyn mid Caruurta oo  kaliya ku koobneyd ee wuxuu ahaa mid ka muuqday Qof kastoo Soomaaliya aan soo qaato sheekadaan oo  uu buugiisa DHAQANKA SOOMAALIDA ku qoray Dr Saadaq Eenoow, taasoo dhacday xiligii Gumeystaha Ingiriisku uu  ka talinayay Gobolada waqooyi ee Soomaaliya;- ”Jeneral Douglas Jordin , oo ahaa ninkii jebiyay Daraawiishta, buugiisa The Mad Mullah, wuxuu ku qoray mar uu sarkaal Ingiriis ahi uu su´aal waydiiyay nin miyiga geel ku raacda oo magaalada Berbera yimid.

Sarkaalkii : Dadka dunida ku nool yaa ugu sareeya ? .
Geel-jirkii : Soomaalida iyo Ingiriiska.
Sarkaalkii : Yaa ku xiga ?.
Geel-jirkii : Carabta.
Sarkaalkii : Haddii idinka iyo annaga aanu simanahay, sidee bay u suuragashay in aanu idiin imaano oo aanu maamul idiin samayno.
Geel-jirkii : Fursad ayaad hesheen oo keliya. Haddaan annagu fursaddaa heli lahayn, annaga ayaa idiin iman lahayn,””..

Dhamaan sifahaas iyo tusaalooyinka  kaloo  aan u soo qaatay Qormadeyda iyo kuwa kaloo ka dhacay dagalkeenaba waxay noo muujinayaan Qabkii  ay laheyd Soomaalidu iyo sida ay iskala weynaayeen dadyowga kale ee dunida, xaalad kastooy ku jireena Soomaalidu waxa ay aheyd kuwa neceb Gumeysiga iyo baryada shisheeyaha kuna faana Soomaalinimada Sida laga dhadhansan karo Suugaanta AUN Abwaan YamYam:-

”  Ninkaan teydu soli Karin, Uma yeelo siduu rabo, Sida dunida qaarkeed , Sanduleynta ma ogoli,Nina kabaha uma sido,Ninka iga sad roonoow, Siintaada magaca leh, Ogoow kaama sugayee, Hana oran sasabo badow, Dareen seexda ma lihiye, SOOMAALI BAAN AHAY.”

Hadda halkaa yaanan ku faagaan waayoo gudbe maal mahaasi  iyo wixii la soo ahaaba ee aan u leexdo docda kale.=

Wixii ka danbeeyay Sanadkii 1991-dii ayuu  si muuqata u soo shaac baxay Burburka Soomaaliya, inkastoo lagu kala aragti duwan yahay Sababaha keenay burburka ku dhacay Soomaaliya si kastaba haku yimaadee , waxa uu  xaalku faraha ka sii baxay  markii Colaadii Miyiga loo soo raray magaalooyinka, dagaalkiina uu noqday dagaal Siyaasadeed oo Qabiilku garwadeen u yahay,  markaasna waxaa  dhacay wixii dhici lahaa, oo ah  Dhimasho, Dhaawac, barakac iyo in Dowladnimadii meesha ka baxdo sidoo kale in hubkii iyo xarumihii dowladu u gacan galaan shacabka ,  in keydkii iyo Taariikhdii Umaddu lunto iyo la burburiyo dhismayaashii iyo bilicdii Magaalooyinka, Dalkuna wuxuu noqday wixii markaa ka dambeeyay mid dhex muquurtay colaado aan dhamaad laheyn oo taxane soo ahaa.

Halkaa markeey taagan tahay  runtii  Qaran jabkii nagu dhacay waxaa nooga darán  Qab  jabka nagu dhacay, waayoo wixii markaa ka danbeeyay  waxaan aheyn  HILBO HAADDA U WARAN, waxaana markii aan is wada dubanay oo cududeenii is cuntay  gees  walbana colaadu gaartay uu noqday waxa aan ka  dhaxalnay  wixii laga dhaxlay oo ahaa in dalkii iyo dadkiiba isla burburaan, markase labadaa burbur aan eegno waxaan shaki ku jirin in  dal burburay  dib loo dhisi karo  hadii nabad yar la helo balse ey adag tahay sida dib  loogu dhiso Bulsho dhaqan ahaan Diin ahaan,akhlaaq ahaan,Qiyam ahaan  iyo nolol ahaanba u burburay, oo magan u noqotay cadowgoodii  markey iyagu is aamini waayeen dabadeedna   uu  u  helay fursad uu ku kala qeybiyo kuna sii kala fogeeyo.

Qoraagii geeriyooday AUN Cabdulqaadir Oromo, ayaa  qeyb uu kaga hadlayo Buugiisa SABABAHA BURBURKA  SOOMAALIDA, waxa ay u qorneyd sidan:- “ Kutubta lagu keydiyo taariikhdii dunidu soo martay waxaa ku qoran Umado baab’ay ama Umado kale ku milmay kuwaasoo hayb qarameed-koodii {identity} ay luntay, waayadii hore dhulkii ay deganaayeenna ummaddo kale ka dhaxleen, sidaasna ku tirtirmay. Alle oo samatabixiya iyo iyadoo isdaba qabata mooyee, Soomaalida maanta in magaceedu lumo oo ay ummaddo kale ku dhex milanto ayaa laga baqayaa.””

Bal u fiirso Soomaaliya dhib  kastoo ay soo martay waxa maanta  meelaha nabada ah ka socda  Ganacsi balaaran, waxaa dib loo dhisayaa Dhismayaashii dagaalada ku burburay iyo kuwa hor leh oo casriya,Waxbarasho, Caafimaad,Tiknoolajiyad, iyo dhaqdhaqaaqya  kaloo fara badan oo  ku cajab galinaya,  weliba  qofkii  ka cabir qaata quruxda dhismayaasha  badan ee laga dhisayo Soomaaliya waxa  uu rumeysanayaa in ay Soomaaliya dib u soo noqotay, balse hadii aad  Maskax fog  ku eegto   dhanka bulshada oo aaney  jirin cid u taagan dib u soo dhisideeda   halka  maanta aan  ka  taagan nahay…iyo Sida  Xurmadii  Diinteena  Suuban  ay   qaarna uga  baxeen qaarna isugu dilayaan, Sida loo dayacay Soomaalinimadii, Sida loogu kala tagay Midnimadii, Sida Dhaqankii iyo Is aaminkiiba  u lumay,Sida Damiirkii iyo Dadnimadii aan uga dhimanay, Sida Wadaniyadii,Qabkii  iyo Dal jaceylkii aan u xoornay, Sida loo sii kala fogaanayo, Sida shisheeyaha loo daba socdo, Sida danteenii iyo Dalkeeniiba aan martida uga nahay, Sida Cadowgeenu noo bahdilayo, Sida Naxariistii looga tagay, Sida isku xirnaantii,Xishoodkii ,iyo Ixtiraamkiiba looga aradan yahay, Sida Gaalada loogu tartamayo  la isuguna jaajuusayo ,Sida dadkeenu dunida ugu dayacan yahay, iyo Sida  wax kastoo aan  aheyn Colaadda ka hor looga dheelmaday waxaad oran laheyd……

Halkaan ka dhageyso Codka Faalada:-

 

 

DAQARADA KA MUUQDA GURYAHA,  WAXAA NOOGA DARAN  KUWA KU YAALA DADKEENA”.!!!

WQ/= Abdulkadir Dulyar

Dulyar23@gmail.com

Soomaaliya/Muqdisho


Shabakada Galgaduudnews.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Galgaduudnews@hotmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)


Comments are closed.

Wararka Maanta

The Supreme Court Building is seen in Washington, Tuesday, April 4, 2017, as Senate Republicans work to confirm President Donald Trump’s nominee Judge Neil Gorsuch to take the seat of the late Justice Antonin Scalia. (AP Photo/J. Scott Applewhite) 

The Capitol is framed amid the columns of the Supreme Court building in Washington, Tuesday, April 4, 2017, as Senate Republicans work to confirm President Donald Trump’s nominee Judge Neil Gorsuch to take the seat of the late Justice Antonin Scalia. (AP Photo/J. Scott Applewhite) Maxkamad Diiday Dhaqangalka Go,aanki Trump
- May 26, 2017
Maxkamadda sagaalaad ee Racfaanka ee Federaaliga ah ee Mareykanka ee ku taalla magaalaa Richmond ...
_96217206_gaza Xamaas oo dishay rag “la shaqeeyay Israa’iil”
- May 26, 2017
Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta ayaa dilay saddex nin, oo uu ku eedeeyay in ayaga ...
_96217203_trump_afp Trump oo dhaliilay gaashaanbuurta NATO
- May 26, 2017
Madaxweynah Maraykanka, Donald Trump, ayaa dhaliilay waddamada ay ka wada tirsan yihiin gaashaanbuurta NATO, ...
1 Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Amiirka Qatar (Sawirro)
- May 25, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la kulmay Amiirka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al ...
1 Daawo: Booliska Soomaaliya oo soo bandhigay Muuqaalka Gaarigii isku qarxiyay agagaarka Dekeda Muqdisho
- May 25, 2017
Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay gaarigii shalay is qarxiyay, xilli uu marayay wadada ...
2 Wasaaradda Isgaarsiinta oo soo bandhigtay sahan lagu sameeyay baraha internet-ka ee wasaaradaha
- May 25, 2017
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa soo bandhigtay sahan ay ku sameysay baraha internetka ...
_96212325_secretsupportgroup Al-Shabaab oo adoonsata dumar si ay ugu galmoodaan
- May 25, 2017
Markii Salma Cali ay billowday baaritaanka halka ay qabteen labo wiil oo la dhalatay ...
1 Askar Kenyan ah oo Qarax Lagu Dilay
- May 25, 2017
Laba askari oo ka mid ah ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa ku dhimatay ...
_96210002_5f6f2383-7c5a-40e7-933d-3cc9a3b69125 Dagaal ba’an oo ka socda Kunduz
- May 25, 2017
Saraakiil ku sugan woqooyiga dalka Afqaanistaan ayaa sheegaya in dagaal ba'ani uu ka socdo ...
coldoon War Deg Deg ah:- Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u fidiyay Wariye C/maalik Muuse Coldoon
- May 25, 2017
Hargeysa–Hagenews.com:-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa Cafis u fidiyay Wariye Samafale C/maalik Muuse ...
Sacuudiga Dawlada Sacuudiga oo sheegtay in la yareyn doono shidaalka dunnida loo beec geeyo
- May 25, 2017
Wasiirka tammarta dalka boqortooyadda Sacuudiga Khaalid Al-Faliix ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay dawladaha ...
_96206400_12a818ce-3564-44bd-8ee5-561b36feb657 Britain oo joojisay inay xogta siirdoonka weerarka Manchester la wadaagto US
- May 25, 2017
Booliska wada baaritaanka weerarkii Manchester ayaa joojiyay inay xogta baaritaanka la waaagaan dhigooda Mareykanka ...
_96205410_robot Dubai oo hawlgelisay qalab qabanayo shaqada booliska
- May 25, 2017
Bioliiska Dubai ayaa soo bandhigay markii ugu horreysay askeri mashiin ah(robot) oo ka hawlgali ...
IMG-20170525-WA0014-620x330 Wafdi uu hogaaminayo Agasimaha Guud HSJ ayaa gaaray Dalka Norwey
- May 25, 2017
Dalka Norwey waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee HSJ waxana ay kulamo ...
2 Wariyaasha Idaacadda Ciidamada oo ka Cabanaya Mushaar la’aan”Sawiro”
- May 25, 2017
Muqdisho–Hagenews.com:-Wariyaasha ka shaqeeya Idaacadda Codka Ciidamada Ee Magaalada Muqdisho ay xarunteeda tahay ayaa sheegay ...
5 Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya oo Maanta Kormeeray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho”Sawiro”
- May 25, 2017
Muqdisho–Hagenews.com: Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta Kormeer ku tagay Garoonka ...
deg-deg War Deg Deg ah:- Maxkamadda Ciidamada Qalabka oo Saakay Xukun Dil ah Fulisay
- May 25, 2017
Muqdisho–Hagenews.com:-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Saakay Ridday Xukun Dil ah oo lagu ...
_96200606_sawir Dad loo qabtay weerarkii Manchester
- May 25, 2017
Haweeney ayaa noqotay qof lixaad ee loo qabto weerarkii ka dhacay Manchester, xilli ay ...
_96200609_sawir.... Wasaarad lagu gubay mudaharaad ka dhacay Brazil
- May 25, 2017
Dibed baxayaal caraysan oo mudaharaad ka sameeyay caasimadda Brasilia ee dalka Brazil, ayaa dab ...
_96193053_24123d4b-ad06-4b46-9074-711359961f2e Duterte oo ka baaraan dagaya in uu dalka oo dhan ku soo rogo xaalad degdeg ah
- May 25, 2017
Madaxweyne Rodrigo Duterte ayaa sheegay in laga yaabo in dalka oo dhan lagu baahiyo ...
_96188677_a200bda4-ae55-4940-9165-d6dfcef9cf3f ‘Ninkii weeraray Manchester in uusan kaligii ahayn bay u badan tahay’
- May 25, 2017
Ninka gaystay weerarkii Manchester waxay u "badan tahay" in uusan kaligii soo maleegin weerarka, ...
_96185884_cc96f4fc-b2bf-4e03-8cd3-d43fa9597f50 Heerka feejignaanta ammaanka ee Britain oo sare loo qaaday
- May 24, 2017
Dowlada Britain ayaa sheegtay in ciidamada milateriga ay ka qeyb qaadan doonaan ilaalinta goobaha ...